Thursday, 28 April 2016

fariinside

Daawo sheekh m.idris oo wax badan cadeeyay


Sii akhri
fariinside

Nadaafada Guud

Inkasta oo marar badan aad looga hadlo muhimada ay nolosha iyo caafimaadkaba u leedahay nadaafada iyo Daryeelka fayo dhowrka Deegaanka ama bay,ada aynu ku Noolnahay,Inkasta oo Tiro badan oo ururada aan dawliga aheyni isku xil saareen hirgelinta iyo Wacyigelinta bulsho ama wadan heegan ugu Jira ilaalinta nadaafada guud ee Deegaanka,Inkasta oo qof qof marka dadka loo eego intooda badani ay si fiican uga warqabaan dhibaatooyinka iyo cudurada ka Dilaaca nadaafad darada ama Qashinada dibadaha la soo Dhigo,Inkasta oo Magaaladu ay leedahay Dawlad hoose oo Dhaliisheeda iyo waxqabakeedaba leh,Inkasta oo Shirkado u gaar ah Gurida iyo Basrinta Qashinka laga Hirgeliyey Caasimada Isbedelweyna suurtogal ka dhigey hadana Muuqaalka guud ee Meelo badan aad ka arkeyso Caasimada ayaa ah mid aad weli ka Niyad Jabeyso.Dadkeenu Marka la eego Dhinacna Wey ka garanayaan Waxa fiican,Dhinaca Kalena Waxaad Moodaa in ay horjoogaan isla Iyagu Helida Wax qurux badan oo lagu Faano.


“Dadka Qaar Ayaa qaba in aan la heli doonin Caasimad Qurxoon oo leh Hab la mid ah Wadamada kale marka laga hadlaayo arimaha gurida iyo beydhinta Qashinka inta Jaadku Joogo,Inta bacdu taalo ama Caagadaha wax lagu cabaa ay buuxaan”Kooxdani oo aan aniguna La fikrad ahey Ayaa Qabta in Meelkasta oo aad Marto waxa Yaala ama ka buuxaa Yihiin Garaabada iyo Qashinka Jaadka oo aan dhayal ku dhamaaneynin iyo Bacaha ama caagadaha oo Banaan kasta iska Daadsan”.

“Dad badan oo kale Ayaa iyaguna Qaba in aan Bulshadeenu helin Wacyigelin ama weli aaney u soo Jeedin ilaalinta Fayo dhowrka Kuwaasi oo doodooda ku Taageeraya sida qof kastaaba meesha uu rabo xashiishka ugu shubo ama u soo Dhigo,Sida aaney dadka qaarkood isaga fogeynin Qashinka,Sida dadka qaarkood aaney xashiishka ula beegsan Goobaha aadka u yar ee loo Tilmaamo ama la soo Dhigo Taangiyada Qashinka”.

“Aragtida Saddexaadna waxa qaba Dad kale oo bulshadeen ah kuwaasi oo leh,Dadkeenu wadaniyad ma laha wadankana waxaad Moodaa in aaney iyagu laheyn sida ay meelkasta xashiishka ugu tuurayaan,Waxaaney Xitaa farta ku fiiqaan Hudheelada biyaha Uskaga ah ku soo dul shuba ama daadiya Wadooyinka jilicdasan ee Dhismahoodu wakhtiga hadana qaatey,Dhinaca kale waxa Jira aragti ah in dadka qaarkood aaney bixin karin 5$ bishii Xashiishka gurigooda lagaga qaado”.

“Fikrado kale Ayaa Qabta in Sida qudha ee Qashinka iyo Guud ahaan lagu ilaalin karo Horumarka Bulshadu ay tahay in Qof kastaa gaarkiisa uga dedaalo waxna uga qabto,Laakiin dadkeenu inta badan Hawlaha cid kale ayey ku Riixaan ama ka sugaan sida in Qofku afka ku dhufto Dawladii guri laheyd Ayaan jirey marka isaguba garan waayey in uu Qashinka meel beydhsan ku shubp”.

Aragtiyaha Qofka noloshiisa waxtarka u leh Marka uu Weynaado Ayaa ah kuwo inta badan laga soo Dhaxlo Wakhtigii yaraantii iyo Tarbiyadii guriga ama Aqoontii iyo casharadii Dugsiga lagu soo Dhigtey.Miyaaney aheyn markaasi in Da,yarteena dugsiyada ku xareysan loo dhigo loogana Sheekeeyo ilaalinta iyo Dhawrida sixada ama Nadaafada guud ee Bulshada sida beydhinta,gubida,iyo hagaajinta Qashinka ama wixii soo raaca.Dugsiyadeena Miyaan lagu dhigan karin Xiisad la xidhiidha Barashada Nadaafada guud ee bulshada ama ilaalinta Deegaanka.

Nadaafada Biyaha,Caafimaadka guud ee bulshada waxyaabaha ka qeyb qaata,Xamaamyada oo lagaga Nastey dadkii Banaanada soo Dhigaayey Qashinkooda,Deegaanka iyo Nadaafadiisa,Waxyeelada ka dhasha Qashinka ama xashiishyada ku raaga Xaafadaha,Dhibta ay leedahay in qofku Kudaafadaha ama goobaha qashinada lagu soo shubo wax ka gurto,ka cuno ama ku ag noolyahay intaba.Garashada Cuntada Xumaatey iyo Mida dhacdey intaba Waxyeelada ay geysan karto.Arimahaasi in Ardeygeena la soo Baro inta uu yar yahay ama Maskaxdiisu u heelan tahay Barashada wanaaga Ayey ku quman tahay.Ardeygaasi Cutubyadaasi Nadaafada guud ee Bulshada ku soo Dhigtay Dugsiga waxa ay ka muuqan doontaa,Gurigiisa Mustaqbalka,Xafiiskiisa,Jaarkiisa,Wadankiisa intaba wixii uu ka qaban karo.


“Ma ilaawo Gabadh ka mid ah Kuwa Nadiifiya ama Masaxa Meelaha wax lagu barto oo Maalin ka Warameysey Dhibta ka qabsata   Fasalada ay Nadiifiso iyada oo ii sheegtay in marar badan ay Dhacdo in Fasalka wax lagu dhex cuno ama lala Yimaado Waxyaabo intooda badan lagaga dhex tagi doono Fasalka,Waxa ay Carabka ku adkeysey in ay kala kulanto Ayaamaha qaarkood nadaafad daro u baahan Meydhid iyo hagaajin dheeraad ah”.

Wakhtigii aan Dugsiyada Hoose/Dhexe ku Jirney Ayaan laheyn Tartan la xidhiidha Xaga Nadaafada jidh ahaaneed ee Ardeyga,Waxaana Sannad dugsiyeedka lagu dari Jirey Jaa,isado la xidhiidha Ardeydii Nadaafada ku guuleysatey oo lagu abaal marin Jirey Agabka laxidhiidha ilaalinta Nadaafada jidh ahaaneed sida saabuun iwm kkkkk.Waxaana taasi barbar socdey in marar badan ardeyda lagu saari Jirey nadiifinta iyo Gurida wixii Qashin ah ee Dugsiga Dhinacyadiisa ku soo badanaya oo Xiisad nadaafadeed Ayaa maskaxda lagu heyn Jirey.Labadaasi arimoodna waxa dhinac socdey Koox ardeyda ka mid ah oo ku qornaan Jirey Xaadhida iyo nadiifinta Fasalka Maalinkasta,Kuwa Habsaama ayaana marar badan go,aanka laga qaadan Jirey ahaa in loo Diro goobaha Qashinka si ay u beydhiyaan. Ardeygii ka soo baxey Tababarkaasi Ayaa maanta Qaarkood Jaad barteen oo meelkasta bac iyo caagad ama Garaabo Jaad kaga kacaya ama ku reebaya.Maxey u tartey Nadaafadii la soo barey.

Isku soo wada duub ilaalinta iyo Dhawrida nadaafada guud ee Deegaanku waa Mid ina saaran,hagaajinta iyo Gurida Qashinkuna waa waajib qof kasta iyo Guud ahaan bulshadaba in laga warqabo ay muhiim u tahay,Dhaliisha Shicibka,Mida maamulka sida Dawladaha hoose,Iyo wada shaqeynta Shirkadaha Qashinkubana waa mid ay tahay in loo Feejignaado,Qiimaha  Gurida Xashiishka Guryaha laga Qaadana waxaan Qabaa in uu yahay Mid macquul ah kuna baxaya meel wanaagsan,Diyaar garowga Xiliga guguna waxa ay u baahan tahay ka hortag cuduro ka dilaaca Biyaha iyo roobka hore.Ganaax iyo Sharcina waa loo baahan yahay.40 kii Cisho  ee Madaxweynuhuna wey socon waayeen.Clean and Tidy.
Sii akhri

Wednesday, 27 April 2016

fariinside

Soonka Sunaha ah & Maalmihiisa

Soonka Sunaha ah & Maalmihiisa Q.11aad
(6) In Bisha Rajab la soomo
Hore ayaan uga soo hadalay in Billaha xurmada leh la soomaa ay sunada ka mid tahay, Bisha Rajabna waxay ka mid tahay Billaha xurmada leh, laakiin in Bisha Rajab keligeed Soon lagu gaar yeelo, waxa diidey qaar saxaabada ka mid ah, in Soonka lagu dhamaystiro iyadana waxa diidey qaar Cullimada ka mid sida mad’habka Xanaabilada.
(7) In maalmaha Isniinta, Khamiista, Jimcaha,Sabtida & Axada la soomo
Soonka maalmahan waxa mid kastaaba ku soo arooray Axaadiis waxayna yihiin:
“Rasuulka waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii la I dhalay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista”.
“Nebigu SCW wuxuu Soonkiisu u badnaa Sabtida iyo Axada, wuxuu odhan jirey : waa Laba Cisho oo Ciid u ah Gaalada, waxaan jecelahay inaan khilaafo”. “Rasuulku wuxuu ahaa mid sooma Saddex Cisho bilowga Bil kasta, waxaana yarayd inuu afuro Maalinta Jimcaha” markaa Jimcaha keligii in la soomo waa la diidey hore ayaan u soo sheegnay, markaa tani waxay noqonay in Jimcaha la raacsiiyo Maalin ka horraysa ama ka danbaysa.
(8) In Bil kasta Saddexda Cisho ee 13-ka,14-ka,15-ka la soomo
Maalmahaas waxa loo yaqaanaa ayaamul biid, Nebigu SCW wuxuu yidhi: “Haddii aad soontay, soon Ayaamaha cad”.[13,14,15].
(9) In Maalina la soomo Maalina la afuro
Waana Soonka ugu fadliga badan ee Rasuulku inoo sheegay, wuxuu yidhi:
“Soon, Soonka ugu Fadliga badan oo ah Soonka Daawuud, Maalina Soon,Maalina afur”.
Ma jiraa Soon Kale Oo Waajib Ah?
Waxa jira Soon kale oo Qofka Muslimka ah waajib ku noqonaya haddii la helo Xaalado gaar ah:
1. In Kafaaro Gud ku waajibo, kaasoo noqon kara:-
b) Soonka Kafaaro gudka Dilka.
t)Soonka Kafaaro gudka Dihaarka.
j)Soonka Ninka Ramadaan isagoo sooman Xaaskiisa u galmooda.
x) Soonka Mutcada Xajka.
kh)Soonka Ugaadh Dilka, Ugaadha Xaramka.
d) Soonka Kafaaro gudka ka dhaarashada Xaaska.
r) Soonka Kafaaro gudka Dhaarta.
2. Soonka Nadarka
3. Soonka Xiirashada iyadoo aanu ka xalaaloobin Xajka (waa Qofkii oo xiirta isagoo xajkii aan dhamaysan, cudur daar ku yimi awgiis, sida isagoo madax injiri ka gasho, ama xanuun.
Soonkan aan kor ku xusnay oo faahfaahsan waa sidan :
Soonka Kafaaro gudka Dilka
Haddii Qofka Muslimka ahi uu dilo Qof kale oo Muslim ah, dilkaasina yahay mid aan badheedh ahayn (Dil Kama ah) waxa ku waajib noqonaya:
(b) Inuu Qof Addoon Mu’min ah xorreeyo.
(t) Inuu Magtiisii bixiyo, haddii aan laga dhaafin.
Haddaba haddii uu heli waayo inuu Addoon Mu’min ah xorreeyo, taasoo noqon karta inuu Addoonba waayo, ama uu Qiimihii heli waayo, waxa ku waajibaya inuu Laba Billood (60 Cisho) oo isku xidhiidhsan soomo. Illaahay baa yidhi: “Muumin inuu Muumin dilo yey dhicin, iyadoo si kama ah udhacda mooyaane, Qofka Muumin si aan badheedh ahayn u dila waa inuu Qof Mumin ah xorreeyo, Magtiina waa inuu iska bixiyo, iyadoo laga dhaafo mooyaane, haddii uu ka soo jeedo Qolo Caddaw Muslimiinta ku ah (Gaalo) Isaguna (kan la diley) yahay Muumin, waa inuu Qof Muumin ah Xorreeyo, haddii uu ka soo jeedo (kan la diley) Qolo iyaga iyo Muslimiinta heshiis dhexyaal, waa inuu Magtii iska bixiyo, Qof Muumin ahna xorreeyo, haddii uu heli waayo (Addoon uu xorreeyo) waa inuu Laba Billood oo xidhiidh ah soomo, taasoo u ah Toobad keen, Illaahay waa Cilmi dheere, Xikmad badan”.
Soonka Kafaaro Gudka Dihaarka.
Haddii ay dhacdo in Ninku Xaaskiisa ku yidhaahdo “Hooyaday baad iga tahay” Shareecadu waxay u taqaan Dihaar, oo macnihiisu yahay sida oogada hooyaday iga tahay ayaad iga tahay, waxaana ka dhalanaya in aanu Naagta u dhowaan karin ilaa uu la yimaado kafaaro gud ah, inuu Qof Addoon ah xorreeyo, haddii uu waayo ama awoodi kari waayo, waxa laga doonayaa inuu Laba Billood oo xidhiidh ah soomo, haddii uu awoodi waayo, wuxuu quudinayaa Lixdan Miskiin ama hal mar ha wada dhergiyo, ama hal hal wax ha u siiyo.
Sii akhri
fariinside

FADLIGA KU JIRA SALADA SUBAX IN JAMEECO LAGU TUKADO

Salaadda subax oo lala tukado Jamaca masaajidka ayaa leh fadli aad u weyn waxaana cadeeyay Axaadiis badan oo Rasuulka Allah (scw) ka sugnaatay:
  1. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada Waxaa Loo Qori  fadliga iyo Ajarka Qof  Habeenkii Oo Dhan Cibaado U Taagnaa.
  2. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada Wuxuu Ku Jiraa maalinkaasi Dimada iyo Damaanada Allah (sw).
  3. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada,  Malaa’igtu Waxay Allah (sw) u Gudbiyaan Warbixin Fiican, isagoo Allah uga ogaal badan iyaga .
  4. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada Oo Waliba Sii Fadhiya Meeshuu Ku Tukaday ilaa Qoraxdu Ka Soo Baxdo Waxaa Loo Qori Ajirka Qof  Xajiyay Oo Cumraystay.
  5. Allah (sw) Wuxuu Balan Ku Qaaday Qofka Tukada Salaada Subax iyo Casarka inuu Janada Galiyo.
  6. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada Waxaa Loo Qoraa inuu Bari Ka Yahay munaafaqada, Maxaa yeelay Munaafaqu Salaada Subax Ma Yimaado.
  7. Qofka Salaada Subax Masaajidka Jamaca  Kula Tukada Allah (sw) Wuxuu Siinayaa Maalinta Qiyaamo Nuur iyo iftiin Dhamaystiran.
  8. Labada Rakcadood Ee Sunada Ah Ee Salaada Subax Ka Horeeya Waxay Ka Fadli Badan Yihiiin Aduunka iyo Waxa Ku Dhex yaal.
Sii akhri
fariinside

Qodobo Kaa Caawinaya Horumarinta Naftaada Iyo Kasbashada Kalsoonideeda

1.Ku fikir inaad tahay qof isku filan: markasta waxa ugu mudan oo muhiim ah waxa qofku niyadiisa ku hayo kana dhaadhiciyo. Aamin inaad tahay qof dhamaystiran oo leh awoodo badan. Ku xidhnow naftaada oo la sheekayso. Fahan waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay, kuwa aad ku yara liidatana isku day inaad xoojiso. Haku odhan naftaada erayada qalbiga dila. Sida waxba kuma fiicnid, tamar ma lihid, waad hoosaysaa, liidataa, qayrkaa way kaa horeeyaan, IWM.
2.Aamin naftaada: Qofka koowaad ee ay tahay inaad ka hesho aaminaad iyo kalsooni waa naftaada. ku kalsoonow qofka aad tahay. Ma jiro qof kuu dhigma ama kula mid ah adduunkan, lamana soo helayo qof meel kasta aad iskaga mid tihiin amma iskaga mid tihiin oo badalkaaga noqon kara, waana sida Rabbigii ina abuuray ugu talo galay. Sidaa darteed waxa kugu ceeb iyo nusqaan ah, inaanad naftaada aaminsanayn oo aanad qiimahaaga aqoon.
3.Bar naftaada sidii aad u noqon lahayd qof isku filan: Waa sunaha nolosha inaad la kulanto dhibaatooyin kala duwan inta aad nooshahay, balse sida aad u waajahayso ee qofkasta oo innaga mid ahi u waajahayo ayaa kala duwan. Haddii aad awal ahayd qof markasta dadka dhankooda u orda oo gargaar weydiista marka ay arrimuhu ku cuslaadaan, waxa fiican oo aan kugu dhiirigelinayaa inaad naftaada ku carbisid inay xalliso oo ay waajahdo dhibaato kasta oo ka hortimaada.
Kuma talinayno oo ma lihin, noqo kelidii noole balse adiga oo Allehii ku abuurtay isku xidhaya oo isaga weydiisanaya gargaar, haddana isku day inaad qof ahaan muujiso adkaysi iyo isku filnaansho. Ma jirto mana dhacdo inay kugu timaaddo dhibaato aan xal lahayn. Keliya waxa kula gudboon inaad indhaha kala furto, kuna fakarto xal sidii aad u heli lahayd.
La saaxiib naftaada oo la sheekayso, ku xidhnaw oo wehel ka dhigo. Waan hubaa inay kuu fududaanayso noloshu oo aad kelidaa wax badan fushan doontid. Ma cidloon doontid oo waad faraxsanaan doontaa iyada oo aanay cidiba kugu hareeraysnayn. Nafta oo aad la saaxiibtaa waxay kugu abuuraysaa kalsooni farabadan oo aad ku qaabisho mawjadaha kala gedisan ee kusoo maraya.
4.Baro xirfad aad kusoo saartid nolol maalmeedkaaga: Inaad xirfad barataa waxay kuu sahlaysaa inaad shaqaysato oo aad wax soo saar samayso, umana baahan doontid inaad qayrkaa gacmaha hoorsatid. Haddii hayntu kuu sahashana abuur ganacsi kuu gaar ah, laga yaabee inay kuu ballaadhato oo aad noqoto ganacsade weyn, ogow buuruhuba waa qururux ururay.
Qoddobadan iyo kuwo kale oo badan oo aynaan halkan ku sheeginba waxay kaa caawinayaan inaad noqotid qof naftiisa horumariyay, oo iyada uun ku tiirsan si xor ah.




Sii akhri